Dhaqaalaha iyo Horumarka
Shirkadda Maraykanku leeyahay ee CRG oo soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee Boosaaso, xilli iskaashiga amni ee Maraykanka iyo Puntland uu sii xoogaysanayo
CRG oo soo bandhigtay fursadaha saadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka Boosaaso, xilli iskaashiga amni ee Puntland iyo Maraykanku uu sii ballaaranayo.

Contract Resources Group (CRG)
Shirkadda Contract Resources Group (CRG), oo ay leeyihiin Maraykan, ayaa Boosaaso ku tilmaantay xarun istaraatiiji ah oo fursado u leh iskaashiga amniga, adeegyada saadka iyo maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka sii xoogaysanaya ee Puntland iyo Maraykanku uu soo jiidanayo indhaha ganacsatada iyo maalgashadayaasha.
Qoraal uu Nathan Ertel ku baahiyey LinkedIn ayuu ku soo bandhigay muhiimadda ay Boosaaso ku leedahay Gacanka Cadmeed iyo u-dhowaanshaheeda Jasiiradda Carabta, Badda Cas iyo marinka Bab el-Mandeb. Wuxuu iskaashiga sii ballaaranaya ee Maraykanka iyo Puntland ku tilmaamay fursad lagu xoojin karo amniga gobolka, laguna horumarin karo kaabayaasha dhaqaalaha, xiriirrada ganacsiga iyo shaqo-abuurka dadka deegaanka.
Iskaashigan waxaa qayb ka ah heshiiskii amni ee laba geesoodka ahaa ee Madaxtooyada Puntland ku dhawaaqday 2 Agoosto 2026, kaddib wadahadallo dhex maray Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi Maraykan ah oo uu hoggaaminayey Sarreeye Gaas Claude Tudor, taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika. Sida ay sheegtay madaxtooyadu, heshiisku wuxuu dhigayaa ballaarinta xarunta milateri ee Maraykanka ee Boosaaso, si ay u taageerto hawlgallada la-dagaallanka argagaxisada iyo amniga badda. Wadahadallo kale oo dhacay dabayaaqadii Agoosto ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshaha saldhigga iyo xoojinta iskaashiga amniga.
CRG ayaa adeegyada ay bixiso ku salaynaysa baahiyaha kaabayaal iyo hawlgal ee ka dhalan kara doorka istaraatiijiga ah ee Boosaaso. Shirkaddan gaarka loo leeyahay waxay isku qeexdaa shirkad Maraykan ah oo bixisa la-talin iyo taageero hawlgal, xarunteeda guudna ku taallo aagga Washington, D.C. iyo Virginia, halka xarunteeda hawlaha dibaddu ku taallo Imaaraadka Carabta. Adeegyadeeda waxaa ka mid ah qorshaynta iyo dhismaha mashaariicda, saadka, tababarka shaqaalaha iyo taageerada xarumaha milateri iyo kuwa rayidka.
Shirkaddu waxay sheegtay inay Puntland ka haysato ruqsad ay kaga hawlgasho, isla markaana ay leedahay iskaashi maxalli ah, shaqaale, kaabayaal iyo qalab culus. Waxay dowladaha iyo shirkadaha qandaraaslayaasha caalamiga ah u soo bandhigaysaa taageero daboolaysa marxaladaha mashruuca oo dhan: qorshaynta, dhismaha, hawlgelinta maalinlaha ah, dayactirka iyo wareejinta.


