Wararka
Warbixin Caalami ah oo Ka Digaysa Khatarta Fatahaadaha iyo Barakaca Dadweynaha ee Gaalkacyo
Saadaal cusub oo ay soo saareen hay’adaha caalamiga ah ayaa Gaalkacyo ku tilmaantay mid ka mid ah magaalooyinka halista ugu weyn ugu jira barakaca ka dhasha roobabka, taas oo dib u soo celisay walaaca laga qabo biyo-saarka magaalada, u diyaargarowga fatahaadaha iyo fulinta ballanqaadyadii hore.

Sawir la soo gudbiyey
Gaalkacyo oo Ka Mid Noqotay Deegaannada Halista Sare Ku Jira: Magaalada Gaalkacyo ayaa la saadaaliyey in laga diiwaangelin karo 82,588 dhacdo oo barakac ah inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar 2026, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah deegaannada Puntland ee halista ugu weyn ugu jira barakaca.
Saadaashan ayaa lagu soo bandhigay warbixin ay 23-kii Oktoobar daabacday xarunta dabagalka khataraha iyo saamaynta bani’aadannimo ee Protection, Risk & Impact Severity Monitor (PRISM), iyadoo la adeegsanayo xog iyo saadaalo ay diyaariyeen Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC).
Tirooyinkani waa saadaal ku saabsan dhacdooyinka barakaca ee dhici kara, mana aha dad la xaqiijiyey inay durba guryahooda ka barakaceen. Sidoo kale, ma cadda in dhammaan barakacyada la saadaaliyey ay si toos ah uga dhalan doonaan fatahaado.
Digniintan ayaa soo baxday xilli Gaalkacyo ay ka da’een roobab aad uga badan kuwii caadiga ahaa. Ilaa 19-kii Oktoobar, magaalada waxaa laga diiwaangeliyey roob gaaraya 230.5 millimitir, taas oo u dhiganta qiyaastii 484 boqolkiiba celceliska roobka ay magaalada hesho bisha Oktoobar oo dhan.
Roobabkan ayaa sii kordhiyey walaaca laga qabo awoodda magaalada ee maaraynta biyaha roobka, iyadoo fatahaadihii hore ay muujiyeen baahida loo qabo hagaajinta biyo-mareennada iyo qorshayaasha gurmadka degdegga ah.
Guud ahaan Soomaaliya, waxaa la saadaaliyey 874,319 dhacdo oo barakac ah saddexda bilood ee ugu dambeeya sannadka 2026, iyadoo qiyaastii 92 boqolkiiba la filayo inay ka dhashaan fatahaado.
Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ugu sarreeya saadaasha barakaca, inkastoo ay ka hooseyso Beledweyne oo laga saadaaliyey in ka badan 229,000 oo dhacdo oo barakac ah.
Xaaladda Dadka Barakacayaasha ah ee Gaalkacyo: Warbixinta PRISM, oo soo xiganaysa xogaha hay’adaha bani’aadannimada, ayaa sheegtay in Gaalkacyo ay hore ugu noolaayeen qiyaastii 121,596 qof oo barakacayaal ah, kuwaas oo ku kala sugan 105 xero iyo goobo deegaan.


