Amniga iyo Gobolka
Hawlgallada Puntland oo Wiiqay Shabakadaha Burcad-badeedda, Balse Khatartu Weli Way Jirtaa
Hawlgalladii ugu dambeeyay ee Puntland kula dagaallantay burcad-badeedda ayaa sababay wiiqitaankii ugu weynaa ee ku yimaada shabakadaha burcad-badeedda tan iyo markii ay sanadkan dib u soo xoogaysteen.

Puntland Maritime Police Force / @PMPFOFFICIAL
Hawlgalladii ugu dambeeyay ee Puntland kula dagaallantay burcad-badeedda ayaa sababay wiiqitaankii ugu weynaa ee ku yimaada shabakadaha burcad-badeedda tan iyo markii ay sanadkan dib u soo xoogaysteen, sida lagu sheegay qiimeyn cusub oo ay soo saartay Lloyd’s List Intelligence.
Qiimeynta oo lagu daabacay warbixinteeda Red Sea Brief ee 1-da Oktoobar ayaa timid kadib hawlgallo xiriir ah oo ciidamada Puntland ay dib ugu soo celiyeen gacanta maraakiib ay burcad-badeeddu haysteen, taas oo wax ka beddeshay xaaladdii bilihii hore ee sanadkan ay burcad-badeednimadu kaga sii xoogaysanaysay xeebaha Puntland iyo Gacanka Cadmeed.
Akhri qiimeynta Lloyd’s List Intelligence: https://www.lloydslistintelligence.com/resources/blog/red-sea-brief-1-october-2026
Dabayaaqadii Agoosto, lix markab oo ganacsi ayaa gacanta ugu jiray kooxaha burcad-badeedda. Shan kamid ah maraakiibtaas ayaa tan iyo markaas la sii daayay ama dib loo soo furtay. Lloyd’s List Intelligence waxay arrintan ku tilmaantay wiiqitaankii ugu weynaa ee lagu sameeyo shabakadaha burcad-badeedda tan iyo markii weerarradu dib u soo bateen.
Ciidamada Puntland ayaa door muhiim ah ka qaatay isbeddelkaas. Bishii Sebtembar, ciidamada Puntland waxay soo furteen maraakiibta SIBU 1, oo sidoo kale loo yaqaan SEAMULL, HONOUR 25 iyo EUREKA. Hay’adda Badaha Adduunka ee IMO ayaa markii dambe xaqiijisay in 44 badmaax laga soo badbaadiyay saddexdaas markab.
Hawlgalladaasi waxay si weyn u yareeyeen tirada maraakiibta gacanta ugu jirta burcad-badeedda, xilli maraakiibta la afduubto loo adeegsanayay saldhigyo badeed oo ay kooxuhu kaga duulaan meelo ka fog xeebaha, kuna bartilmaameedsadaan maraakiibta isaga kala goosha qaybo badan oo Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ah.
Guulahaas, hase yeeshee, macnaheedu ma aha in khatartii burcad-badeednimadu dhammaatay. Kooxaha burcad-badeedda ayaa muujiyay inay heli karaan hub, qalabka isgaarsiinta, doonyo iyo shabakado dhinaca berriga ah oo taageera hawlgalladooda. Sidoo kale, xaaladaha badda oo soo hagaagaya kadib xilligii dabaylaha ayaa abuuri kara fursado cusub oo ay weerarro ku qaadaan.


