Wararka
Bannaanbax ka dhacay Maraya oo ka tirsan degmada Eyl, laguna cambaareeyey dilal loo aaneeyey Turkiga
Dadka deegaanka Maraya ayaa dalbaday caddaalad iyo magdhow la xiriira 13 qof oo lagu dilay xeebaha Nugaal, kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen kalluumeysato.

Xigashada sawirka: Puntland Post
Dadka deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa bannaanbax ka dhan ah dowladda Turkiga ku dalbaday caddaalad iyo magdhow la xiriira 13 qof oo lagu dilay xeebaha gobolka Nugaal, kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen kalluumeysato.
Bannaanbaxayaasha ayaa gubay calanka Turkiga, iyagoo ku adkaystay inay sii wadi doonaan dibadbaxyada ilaa Ankara ay magdhow ka bixiso dadkii la dilay iyo hantidii la burburiyey. Bannaanbaxu wuxuu muujinayaa dalabka dadka xeebaha ku nool ee ah in lala xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka ah waxyeellada ka dhalata hawlgallada ciidamada shisheeye.
Mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqaadir Cismaan Samatar, oo loo yaqaan Food-cade, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mukhtaar Faarax Jeer iyo Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse.
Bannaanbaxa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay weli is khilaafsan yihiin wararka laga bixinayo dadka la dilay. Dadka deegaanka ayaa ku adkaysanaya inay ahaayeen kalluumeysato, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadka lagu dilay hawlgallada ciidamada badda Turkiga ku tilmaantay burcad-badeed. Weli waxaa la isku hayaa cidda ay ahaayeen dadkaasi iyo duruufihii lagu dilay.
Qoysaska ay dhibaatadu gaartay waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan waxa dhacay, cidda amartay weerarrada iyo xogta lagu saleeyey beegsiga dadka la dilay. Ku tilmaamidda dadkaas burcad-badeed ma aha caddayn lagu xaqiijin karo inay burcad-badeed ahaayeen, mana meesha ka saarayso baahida loo qabo in la baaro eedeymaha ku saabsan dilka dad rayid ah.
Dhacdadan ayaa sidoo kale soo bandhigaysa su’aal muhiim u ah Puntland: sidee loo maamulayaa hawlgallada ciidamada shisheeye ee ka dhacaya biyaha ay ka kalluumaystaan bulshooyinka xeebuhu? Sugidda amniga baddu waxay u baahan tahay wada-shaqayn lala yeesho hay’adaha Puntland, xog sugan oo lagu aqoonsado khataraha iyo ilaalinta dadka rayidka ah iyo ilaha ay ku tiirsan yihiin noloshoodu.
Dalabka dadka Maraya wuxuu u baahan yahay jawaab cad. Turkiga iyo Dowladda Federaalka waxaa laga doonayaa inay soo bandhigaan caddaymo la xaqiijin karo oo ku saabsan hawlgalladaas, isla markaana ay arrinta kala xaajoodaan hay’adaha Puntland iyo qoysaska dhibaatadu gaartay. Baaritaan madax-bannaan waa inuu caddeeyaa wixii dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah, si dadka rayidka ah ee la xaqiijiyo inay waxyeello soo gaartay ay u helaan caddaalad iyo magdhow.


