Aragti
Dhisidda Villa Somalia iyo u adkaysiga dagaalkeeda. Meerto joogto ah iyo is burinta Puntland.

Xaalad dhacda afartii sano ama shantii sanaba mar, waa dhacdo sii naaxisa siyaasadda federaaldiidka ah ee Puntland ku wajahan, xoojisana aragtida dawladnimo Muqdisho aan dhinacna u dhaafin. Puntland waxa ay dusha saarataa masuuliyad aysan ku baraarugsanayn, masuuliyad danteeda iyo danaha dadkeeda iyo deegaankeeda dhibaato ku noqota.
Tan iyo aas-aaskii dawladnimada cusub ee Soomaaiya, Puntland waxa ay ahayd awooda isku haysa dawladnimada Soomaalida, waxa ay ahayd deegaanka dhaqaale iyo awood kalaba ku bixiyay sidii dawladmimada Soomaalidu dib ugu hanaqaadi lahayd. Waxa ay qayb weyn ka qaadatay federaalayntii Soomaaliya. Waxa ay dhismaheeda dhaqaale badan galisay dawladii ku meel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Mbgathi Kenya, waxa ay qayb weyn ka qaadatay ka saaridddii ku meel gaarnimada Soomaaliya. Waxa ay qayb ka ahayd hirgalintii dastuurkii ku meel gaarka ahaa, iyada ka tanaasushay awoodo badan, aqbashayna inay miis la fariisato lana wax qaybsato maamullo la dhisay 15sano gadaasheed. Waxa ay aqbashay awood qaybsiga maamullo aan isku deegaan, miisaaniyad, tiro iyo hab maamul isku dhow aysan wadaagin. Waa awood qaybsi lagu saleeyay magaca "maamul federaal ah" oo kaliya.
Intaa Puntalnd kuma ekaan, waxa ay dhaqaale iypo juhdi badan galinaysay is mariwaaga siyaasadeed ee Muqdisho ka abuurma in ay xal u hesho, ayna noqoto miisaan siyaasadeed oo is le'eg ka dhiga awoodda iyo sharciyadda Xamar taalla. Puntland waxa ay u dhaqantaa sida baarlamaanka dawladda federaalka ah, waa muujinta awood ku hor gudban sharci maroorsiga Xamar ka dhaca marwaliba. Waa arrin ay khasaare maahee aysan marna faaido ka dhaxlin. Marwaliba waa meerto soo noqnoqta afartii sanaba mar.
Waxaa intaa dheer sharciyadda iyo awoodda maamul ee ay leedahay waxa ay ahayd mid ugu adeegta in ay mucaaradka Soomaaliya ku xoojiso, iyada oo aan miiska soosaarayn danteeda sidoo kalana aan ahmiyad siinayn duruufaha ay dadkeedu la nool yihiin. Markasta oo ay qayb ka noqoto xukun badal ka dhaca Villa Somalia, awoodd cusub ee talada timaada waxa ay markiiba duullaan ku qaadaa Puntland, waxaa laga hor istaagaa xuquuqaheeda, deeqaha caalamku bixiyo iyo qoondadii dawladnimo ee ay xaqa u lahayd iyo waliba mataaladdii federaal ee dadkeedu xaqa u lahaayeen. Waxa ay wajahdaa dagaal aad moodo in xilliba xilliga ka danbeeya inuu sii xoogaysanayo.
Waxaas oo dhami waxa ay dhacaan marka ay soo dhisto qaybna ka qaadato dawlad cusub oo badasha isla middii ay dagaalka kala kulantay. Sababtu waa in siyaasadda Villa Somalia taallaa ay u aragto Puntland awood la xifaaltamaysa oo miisaamaysa dawladnimada Soomaliya. Waa arrin ka hor imaanya siyaasadda Villa Somalia ee ku dhisan xukun maroorsiga iyo talada ku dhex oodan darbiysda villa Somalia, waa siyaasad central ah oo aad uga xajiimoota in nidaamka dawliga ahi u muuqdo wax ka gudba xaafadaha magaalada Muqdisho.
Puntland maanta waxa ay joogta marxaladdii ay ku celcelinaysay dhowrkii muddo xileed ee la soo dhaafay. Waxa ay joogta xilligii ay soo dhisi jirtay musharrax talada qaban doona kaas oo dagaal adag la gali doona Puntland. Waxa ay marti galinaysaa oo ay bilaha soo socda ugu durbaan tumi doontaa musharrixii la dooran lahaa ayna sidoo kale taageeri doonto marka la galo teendhada aafisiyooni. Waa meerto folxun oo aan cashar laga baran. Albert Einstein waa isagii lahaa "waalida waxaa lagu qeexaa inaad shay ku celceliso dhowr jeer waliba qaab isku mid ah, adiga oo doonaya inay kuu soo baxdo natiijo ka duwan tii hore.".


