Falanqayn
Boosaaso iyo Loollanka Badda Cas
Sida Puntland Ugu Soo Dhawaanayso Xuddunta Nidaamka Amni ee Cusub ee Badda Cas

Image credit: Omar Abdulkadir, via Wikimedia Commons · CC BY-SA 2.0
Muddo dheer, Boosaaso waxaa inta badan lagu yaqaanay muhiimadda dhaqaale ee ay Puntland u leedahay. Waa dekedda ugu weyn ee ganacsiga Puntland, waana marin isku xira puntland, dalalka Khaliijka iyo guud ahaan ganacsiga ka gudba Gacanka Cadmeed. Laakiin deegaanka istaraatiijiga ah ee ku xeeran Boosaaso ayaa si weyn isu beddelaya. Xilli amni-darrada iyo loollanka quwaduha caalamku ay isku fidayaan marin-biyoodka isku xira Gacanka Carabta, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, Boosaaso waxay si tartiib ah uga mid noqonaysaa nidaam amni oo aad uga ballaaran la-dagaallanka argagixisada iyo burcad badeedka caaalmaka keliya. Nidaamkan cusub waxaa isku dhex jira amniga marin-biyoodka, ganacsiga caalamiga ah, joogitaanka militari, tartanka quwadaha iyo ilaalinta qaar ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dunidu ku tiirsan yahay.
Isbeddelkan ayaa muhiimad cusub siinaya iskaashiga amni ee sii ballaaranaya ee Puntland iyo Maraykanka. Dowladda Puntland waxay sheegtay in heshiiskaan cusub ay la gaashay Maraykanka u oggolaanayso ballaarinta xarun militari oo Maraykanku ku leeyahay Boosaaso, taas oo kusoo beegmaysa sannado ay labada dhinac iska kaashanayeen dagaalka ka dhanka ah ISIS. Sababta amni ee iskaashigan waa mid muuqata. Ciidamada Puntland waxay muddo dheer dagaal kula jireen ISIS-ta ku sugan buuraha Cal Miskaad, halka Maraykanku taageero dhinaca sirdoonka iyo duqeymaha cirka ah ka geystay hawlgallada ka dhanka ah kooxda. AFRICOM-na dhowr jeer ayay duqeymo ka fulisay deegaannada koonfur-bari kaga beegan Boosaaso. Sidaas darteed, Boosaaso iyo kaabayaasha ku hareeraysan waxay sii yeelanayaan muhiimad dhinaca sahayda, sirdoonka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Hase yeeshee, haddii xiriirkaas lagu eego oo keliya dagaalka ISIS, waxaa la seegi karaa sawirka weyn ee istaraatiijiga ah ee ka samaysmaya hareeraha Puntland. Boosaaso waxay ku taallaa xeebta Gacanka Cadmeed, dhinaca ka soo horjeeda Yemen, kana xigta bariga marin-biyoodka Baab al-Mandab. Dhanka waqooyi-bari, marinnada badda ee ka baxa xeebaha Puntland waxay u gudbaan Cumaan, Badda Carabta iyo ugu dambayn marin-biyoodka Hormuz. Marinnadan markii hore si gooni-gooni ah loo eegi jiray waxay maanta dhinaca amniga iyo ganacsiga noqdeen kuwo si dhow isugu xiran. Weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga waxay muujiyeen in qalalaase ka bilowda Yemen uu saameyn karo ganacsiga u dhexeeya Aasiya iyo Yurub, halka xiisad ka dhacda Hormuz ay saamayn karto suuqyada tamarta iyo isu-socodka maraakiibta ee guud ahaan Badweynta Hindiya.
Taasi waa sababta nidaamka amni ee ka samaysmaya Badda Cas iyo nawaaxigeedu uu uga sii gudbayo xuduudihii hore ee Badda Cas oo keliya. Sacuudi Carabiya waxay waddaa dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga amniga badda ee dalal badan, kuwaas oo diiradda saaraya Badda Cas, Baab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed. Maraykanka iyo quwado kale ayaa iyaguna sii wada hawlgallada ciidan iyo kuwa badeed ee gobolka. Dadaalladan waxay muujinayaan xaqiiqo sii caddaanaysa: ammaanka Baab al-Mandab lamgama saari karo ammaanka Gacanka Cadmeed, sida aan ammaanka Gacanka Cadmeed looga sooci karin Geeska Afrika. Ganacsiga iyo marin-biyoodku waa isku xiran yihiin, nidaamka amni ee lagu ilaalinayana wuxuu u socdaa isla jihadaas.


